Puntland oo Dil Toogasho ah ku Fulisay Hodon Maxamuud Diiriye
Gaalkacyo – Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Hodon Maxamuud Diiriye, kadib markii maxkamadda Gaalkacyo ku heshay in ay garaacis ku dishay gabadh-yar Saabiriin Saylaan, falkaas oo dhacay bilo ka hor.
Xukunka dilka ah ayaa lagu fuliyay fagaaraha lagu fuliyo xukunnada sharciga ah ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, hay’adaha amniga, iyo qayb ka mid ah bulshada.
Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanaha lagu helay dambiga dilka ah kadib dacwad socotay muddo, isla markaana la raacay dhammaan habraacyada sharciga, oo ay ku jireen racfaan iyo xaqiijinta caddaymaha la hor keenay.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xusay in fulinta xukunkan ay fariin cad u dirayso cid kasta oo ku kacda tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, iyagoo ku adkeeyay in sharcigu la xisaabtamayo qof kasta oo dembi culus gala.