Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 Febraayo 2026 ku dhex maray wada-hadallo laba geesood ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, iyo dhiggiisa dalka Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhabta ah, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa fursadaha ka dhexeeya labada shacab ee dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta cududda shaqaalaha iyo beeraha.
Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa intii uu kulanku socday muujiyay sida ay Soomaaliya u qaddarinayso mabaadi’da iyo taageerada hagarla’aaneed ee ay Koonfur Afrika la garab taagan tahay madaxbannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya.




From the comments