U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo ku Heshiiyey Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Madaxbannaanida ka dib Wadahadallo ka Dhacay Pretoria

Sheeko:War

Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3 Febraayo 2026 ku dhex maray wada-hadallo laba geesood ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, iyo dhiggiisa dalka Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhabta ah, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa fursadaha ka dhexeeya labada shacab ee dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta cududda shaqaalaha iyo beeraha.

​Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa intii uu kulanku socday muujiyay sida ay Soomaaliya u qaddarinayso mabaadi’da iyo taageerada hagarla’aaneed ee ay Koonfur Afrika la garab taagan tahay madaxbannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya.

Dhankooda, labada wasiir waxay isku raaceen in la xoojiyo iskudubbaridka arrimaha mudnaanta u leh gobolka iyo fagaarayaasha caalamiga ah, iyadoo la xoojinayo nabadda iyo xasilloonida qaaradda.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa lagu soo gabagabeeyay ballan-qaad ku aaddan in tallaabooyin wax ku ool ah loo qaado fulinta qodobbadii laga wadahadlay si looga dhabeeyo himilooyinka horumarineed ee labada qaran.