Dagaal culus oo galay maalintii labaad ayaa saakay, mar kale, ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh iyo in gebi ahaanba sababay in la gooyo isgaarsiinta magaalada.
Dagaalkan oo ku baahay dhul aad u ballaaran ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan maamulka Koonfurgalbeed ay weerar ku qaadeen guriga sarkaal ka tirsan ciidanka Dawladda Soomaaliya.
Iska-horimaadkan ayaa hadda u dhexeeya ciidamada maamulka iyo maleeshiyo hubaysan oo uu horkacayo sarkaalka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Niishoow, iyadoo rasaas culus laga maqlayo xaafadaha kala duwan ee magaalada.




From the comments