U bood dhigaalka

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad ka Socda Baydhabo iyo Isgaarsiintii oo Gebi ahaanba la Jaray

Sheeko:War

Dagaal culus oo galay maalintii labaad ayaa saakay, mar kale, ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh iyo in gebi ahaanba sababay in la gooyo isgaarsiinta magaalada.

​Dagaalkan oo ku baahay dhul aad u ballaaran ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan maamulka Koonfurgalbeed ay weerar ku qaadeen guriga sarkaal ka tirsan ciidanka Dawladda Soomaaliya.

Iska-horimaadkan ayaa hadda u dhexeeya ciidamada maamulka iyo maleeshiyo hubaysan oo uu horkacayo sarkaalka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Niishoow, iyadoo rasaas culus laga maqlayo xaafadaha kala duwan ee magaalada.

​Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana la soo sheegayaa in khasaaraha hordhaca ah ee dhaawaca uu kor u dhaafayo 20 qof, inkastoo ay adag tahay in tirada rasmiga ah la helo maadaama ay isgaarsiintu gebi ahaanba maqan tahay.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in magaalada ay ku jirto go’doon dhanka isgaarsiinta ah, iyadoo aan wax taleefoonno ah laga heli karin, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo bedqabka shacabka ku dhex go’doonsan goobaha lagu dagaallamayo.