Erdogan oo Si Cad u Diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaalilaan ayaa Adkeeyay Midnimada Soomaaliya
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u diiday go’aanka Israel ay ku sheegtay inay ku aqoonsanayso Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Qaahira kaddib kulan heer sare ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi.
Wuxuu sheegay in Turkigu u arko tallaabada Israa’iil mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa carrabka ku adkeeyay in mustaqbalka Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Somaliland lagu wajaho hab ka tarjumaya rabitaanka dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in mowqifka Ankara uu yahay mid joogto ah oo ku dhisan taageeridda midnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in go’aannada saameynaya mustaqbalka dalka ay tahay in lagu saleeyo wadahadal loo dhan yahay iyo ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya.
Hadalladan ayaa yimid xilli Erdogan iyo al-Sisi ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, Suudaan iyo Qaza, kulan horudhac u ahaa Shirka Golaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Heer Sare ee Masar iyo Turkiga, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Masar.
Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay xoojiyaan wadatashiga ku saabsan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka iyo isuduwidda dadaallada diblomaasiyadeed.
Turkiga ayaa ka mid noqday dalalkii ugu horreeyay ee si cad uga horyimid aqoonsiga Israel ee Soomaalilaan, oo lagu dhawaaqay dhammaadkii bisha Diseenbar, tallaabadaas oo dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid dalal Afrikaan iyo Carab ah.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hore u canbaaraysay go’aankaas, iyadoo kordhisay dadaalladeeda diblomaasiyadeed si ay u hesho taageero caalami ah.
Soomaalilaan ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar walba ku adkaysata in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dalka, isla markaasna xal kasta oo siyaasadeed uu ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.