Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saamaynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka, iyada oo ay Xukuumaddu qorshaynaso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.
Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey 𝐗𝐞𝐞𝐫n𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚, kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaargarowga, ka-hortagga, iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka sameeyo, iyada oo ujeedka guud yahay isku tashiga bulshada iyo dawladda.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa meelmariyay heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka hey’addaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.




From the comments