U bood dhigaalka

Qaahira: Soomaaliya iyo Masar oo Xoojiyay Iskaashigooda Istaraatiijiyadeed

Sheeko:War

​Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta magaalada Qaahira kulan wadatashi ah kula yeesha dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badr Abdelatty.

Kulankan ayaa lagu lafaguray yoolka xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

​Intii uu socday kulanka, labada wasiir waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka labageesoodka ah iyo iskuduubnida laga leeyahay arrimaha gobolka ee taagan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa mar kale ku celiyay mowqifka adag ee dalkiisu ka joogo taageerada midnimada, madaxbannaanida, iyo dhowrista bedka dhulka ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

​Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Socdaalkan iyo wadahadalladan heerka sare ah ayaa muujinaya kalsoonida iyo garab-istaagga ka dhaxeeya Muqdisho iyo Qaahira, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka qeybqaadanaya horumarka gobolka.