Xukuumadda Federaalka oo Bilowday Fulinta Amarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gurmadka Abaaraha
Muqdisho, Febaraayo 05, 2026: Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qorshe ballaaran oo lagu fulinayo awaamiirtii ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ku aaddanayd in mudnaanta kowaad ee shaqada dawladda loo weeciyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.
Tallaabadan ayaa dabo socota booqashadii shalay Madaxweynuhu ku tagay Xarunta Gurmadka Degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA). Madaxweynaha oo ka jawaabayay xaaladda halista ah ee abaarta, taas oo gaartay heer laga cabsado inay macluul isu beddesho, ayaa faray dhammaan hay’adaha dawladda inay gurmadka shacabka ka dhigaan shaqadooda ugu horraysa.
Xukuumadda ayaa maanta dhaqangelisay amarka Madaxweynaha ee ku saabsanaa in gebi ahaanba canshuurta laga dhaafo deeqaha iyo adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.
Hay’adaha maaliyadda iyo kuwa amniga ayaa la faray inay fududeeyaan socodka gargaarka, si loo dedejiyo gaarsiinta shacabka tabaalaysan ee ku sugan degaannada ugu daran ee ay abaartu saamaysay.
Dhaqdhaqaaqan degdega ah ee ay xukuumaddu ku fulinayso amarka Madaxweynaha ayaa ujeeddadiisu tahay in la iskudubbarido dadaallada ganacsatada, hay’adaha samafalka, iyo saaxiibada caalamiga ah, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo ka dhalata nabaadguurka iyo barakaca baahsan ee dalka ka jira.