Muqdisho, Febaraayo 05, 2026: Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qorshe ballaaran oo lagu fulinayo awaamiirtii ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ku aaddanayd in mudnaanta kowaad ee shaqada dawladda loo weeciyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.
Tallaabadan ayaa dabo socota booqashadii shalay Madaxweynuhu ku tagay Xarunta Gurmadka Degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA). Madaxweynaha oo ka jawaabayay xaaladda halista ah ee abaarta, taas oo gaartay heer laga cabsado inay macluul isu beddesho, ayaa faray dhammaan hay’adaha dawladda inay gurmadka shacabka ka dhigaan shaqadooda ugu horraysa.




From the comments