U bood dhigaalka

DEG DEG: 19 Xildhibaan oo laga Mamnuucay Fadhiyada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa soosaaray wareegto rasmi ah oo xildhibaanno gaaraya 19 mudane looga joojiyay kaqeybgalka fadhiyada Baarlamaanka.

​Sababta Go’aanka:

​Go’aankan ayaa yimid ka dib markii xildhibaannadan lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen qalalaase iyo is-hortaag lagu sameeyay fadhigii wadajirka ahaa ee Labada Aqal ee qabsoomay taariikhdu markay ahayd 02/02/2026.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in falkaas uu xadgudub ku ahaa Xeer-hoosaadka Golaha, uuna khatar geliyay nabadgelyada iyo sharafta mudanayaasha.

​Xildhibaanada liiska ku qoran ayaa laga joojiyay kaqeybgalka 12 fadhi oo isugu jira kuwa wadajirka ah ee Labada Aqal iyo fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka, laga bilaabo taariikhda 07-02-2026.

Taxa hoose waa liiska dhammaystiran ee 19ka Xildhibaan ee laga joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka iyo kuwa wadajirka ah, sida ku cad wareegtada rasmiga ah:

Xil. Abdirashid Mohamed Hidig
​Xil. Mohamed Jaamac Mursal (Geele)
​Xil. Abbas Ali Ibrahim
​Xil. Ali Mahdi Mohamed (Qalato)
​Xil. Nasra Mahdi Arale
​Xil. Ali Haji Dahir Saleban
​Xil. Abdirashid Jire Khalinle
​Xil. Mariam Aweis Jama
​Xil. Faduma Farah Adan (Faduma Nine)
​Xil. Said Ali Muse
​Xil. Ifrah Mohamed Awed
​Xil. Faisal Ahmed Mohamud
​Xil. Yusuf Mohamed Ismail (Barakaale)
​Xil. Ahmed Osman Ibrahim (Daqare)
​Xil. Yusuf Hussein Ahmed (Gama’diid)
​Xil. Daud Abdikarim Sh Omar
​Xil. Khadra Ahmed Mohamud
​Xil. Hassan Hurre Ugas
​Xil. Mohamed Abdirahman Nadif