U bood dhigaalka

Guddoonka Baarlamaanka oo Ganaax Muddo Ah Dul-dhigay 7 Xildhibaan

Sheeko:Baarlamaanka

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo shaqada looga joojiyay lix xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay qalalaase iyo carqaladeyn lagu sameeyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee baarlamaanka oo qabsoomay taariikhdu markay ahayd 07/02/2026.

​Xildhibaanadan ayaa laga mamnuucay ka qaybgalka laba iyo toban (12) fadhi oo isugu jira kuwa wadajirka ah iyo fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka, laga bilaabo taariikhda 09-02-2026.

Magacyada xildhibaanada la ganaaxay ayaa kala ah: Abdirahman Abdishakur Warsame, Abdilatif Muse Nur (Sanyare), Abdikadir Hussein Abdi (Uurdoox), Said Dahir Ismail, Ahmed Abdi Koshin, iyo Abdishakur Ali Mire.

​Go’aankan ayaa loo cuskaday qodobbada 4-aad, 14-aad, 16-aad, iyo 28-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo siinaya Guddoonka awoodda ilaalinta nidaamka iyo habsami u socodka hawlaha baarlamaanka.

Dhanka kale Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan laga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo uu Senator-ku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026.

Sidoo kale, waxaa la faray Taliska Amniga ee Golaha Shacabka inay fuliyaan go’aankan si loo sugo nabadgelyada iyo bedqabka xubnaha kale ee baarlamaanka.