Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta uu maamulka Israa’iil ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo si cad u diiday suurtagalnimada in saldhig militari oo Israa’iil leedahay laga dhiso deegaannada Soomaaliland.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka Al-Jazeera, kaas oo la baahiyay baahiyay saacado ka hor, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba oggolaan doonin in saldhig militari oo shisheeye, gaar ahaan mid Israa’iil leedahay laga hirgeliyo Soomaalilaan.
Madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dawladdiisu ay si toos ah uga hortagi doonto tallaabo kasta oo noocaas ah, isaga oo, sidoo kale, sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Soomaalilaan uu sii xumeeyay xasilloonidarrada ka jirta gobolka, isla markaana uu dhaawac ku yahay nidaamka caalamiga ah iyo mabda’a ixtiraamka midnimada iyo madaxbannaanida dalalka.




From the comments