U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo ka Digay Saldhig Militari oo ay Israa’iil ka Dhisato Soomaalilaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta uu maamulka Israa’iil ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo si cad u diiday suurtagalnimada in saldhig militari oo Israa’iil leedahay laga dhiso deegaannada Soomaaliland.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka Al-Jazeera, kaas oo la baahiyay baahiyay saacado ka hor, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan marnaba oggolaan doonin in saldhig militari oo shisheeye, gaar ahaan mid Israa’iil leedahay laga hirgeliyo Soomaalilaan.

Madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dawladdiisu ay si toos ah uga hortagi doonto tallaabo kasta oo noocaas ah, isaga oo, sidoo kale, sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Soomaalilaan uu sii xumeeyay xasilloonidarrada ka jirta gobolka, isla markaana uu dhaawac ku yahay nidaamka caalamiga ah iyo mabda’a ixtiraamka midnimada iyo madaxbannaanida dalalka.

“Arrintani ma aha oo kaliya mid khatar ku ah Soomaaliya, balse waxay halis ku tahay guud ahaan amniga gobolka,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isaga oo ka digay in saldhig militari oo Israa’iil ay ka sameysato Soomaalilaan loo adeegsan karo weerarro ka dhan ah dalalka deriska ah.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay jirto caro ballaaran oo ka dhalatay go’aankii Ra’iisulwasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu bishii Diseenbar ku aqoonsaday Soomaaliland, oo ah gobol isku dayay inuu Soomaaliya gaar uga go’o tan iyo 1991kii, laakiin aan weli helin aqoonsi caalami ah.