Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.
Safarkan ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka faca weyn ee ka dhexeeya labada dal iyo sare u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka jiraan isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.
Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kulan muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, iyagoo si qoto dheer uga wadahadli doona sidii loo midayn lahaa dadaallada looga hortagayo caqabadaha hortaagan xasilloonida gobolka iyo ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.




From the comments