U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.

Safarkan ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka faca weyn ee ka dhexeeya labada dal iyo sare u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka jiraan isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.

​Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kulan muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, iyagoo si qoto dheer uga wadahadli doona sidii loo midayn lahaa dadaallada looga hortagayo caqabadaha hortaagan xasilloonida gobolka iyo ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale la filayaa inay labada hoggaamiye ku falanqeeyaan fulinta heshiisyadii difaac ee horay loo gaaray iyo doorka ay dowladda Masar ka qaadanayso taageerada ciidanka qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan lagu jiro kala guurka howlgalada nabad-ilaalinta.

​Booqashadan waxay muujinaysay sida ay Soomaaliya iyo Masar uga go’an tahay inay yeeshaan isbaahaysi xooggan oo ku qotoma danaha guud, iyadoo dowladda Masar ay marar badan ku celisay inay garab taagan tahay midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.