Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Star Sky, taas oo u socotay magaalooyinka Guriceel iyo Gaalkacyo.
Diyaaradan oo ay saarnaayeen rakaab tiradoodu gaarayso 50 qof ayaa soo dhacday xilli ay markaas uun isku dayaysay inay hawada gasho, waxaana goobta si degdeg ah u gaaray baabuurta dab-damiska iyo kooxaha gurmadka ee garoonka.
Mas’uuliyiinta shirkadda Star Sky ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay nabad qabaan, iyadoo aaney jirin wax khasaare nafo ah oo ka dhashay dhacdadan.




From the comments