Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland oo Muqdisho soo gaaray
Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, iyagoo qeyb gali doonna shir xasaasi ah oo dhex maraya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka.
Imaanshiyaha labadan maamul ayaa ku soo aaday xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ku aadan hannaanka doorashooyinka dalka, dhameystirka dastuurka, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga hor tegay xildhibaannada mucaaradka ee labada gole, kuwaas oo muujiyay inay garab taagan yihiin mowqifka Jubbaland iyo Puntland
Wada-hadalladan ka furmaya Muqdisho ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal looga gaari lahaa is-mari-waaga taagan.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa hor fadhiisan doonnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumaddiisa maalmaha soo socda si ay usoo bandhigaan tabashooyinka ay qabaan.