DEG-DEG: SOOMAALIYA OO GUUL TAARIKHI AH KA GAARTAY DOORASHADII GOLAHA NABADDA IYO AMNIGA AFRIKA
Soomaaliya ayaa goordhow gaartay guul weyn oo dhanka dublamaasiyadda ah ka dib markii ay si aqlabiyad leh ugu guuleysatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC).
Doorashadan oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Soomaaliya waxay si weyn uga adkaatay dalka Eritrea iyadoo heshay 46 cod, taas oo ka dhigan in markii ugu horreysay muddo dheer ka dib uu dalkeenna hoggaanka u qabanayo masiirka amniga ee qaaradda.
Guushan ayaa timid xilli Soomaaliya ay horay u fadhiday kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ka dhigan in dalkeenna uu hadda noqday awood dublamaasiyadeed oo laba-geesood ah, isagoo go’aan ku leh labada gole ee ugu saamaynta badan nabadgelyada adduunka iyo Afrika intaba.
Dowladda Soomaaliya ayaa kursigaan raadinaysay tan iyo sanadkii 2021-kii.