Itoobiya oo lagu eedeeyay inay i qarsoodi ah u tababarto fallaagada RSF-ta Suudaan, iyadoo Imaaraadku taageerayo
Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday wakaaladda Reuters, isla markaana ay baahisay shabakadda Sudan Tribune, ayaa daaha ka rogtay in Dowladda Itoobiya ay martigelisay xero milatari oo qarsoodi ah, taas oo lagu tababarayo kumannaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF).
Xeradan tababarka ayaa ku taalla gobolka fog ee Benishangul-Gumuz, una dhow xadka Suudaan, gaar ahaan gobolka Blue Nile, ayadoo tani ay tahay caddeyntii ugu horreysay ee si toos ah u muujinaysa ku lug lahaanshaha Addis Ababa ee dagaalka sokeeye ee Suudaan, kaas oo sababay barakaca malaayiin qof iyo musiibo bani’aadannimo oo ku baahday Geeska Afrika.
Ilo xog-ogaal ah, oo ay ku jiraan sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya iyo diblomaasiyiin, ayaa Reuters u sheegay in Imaaraadka Carabta uu maalgeliyay dhismaha xeradan, isla markaana uu bixiyay tababarayaal ciidan iyo taageero saadka ah.
Dukumentiyo amni oo gudaha Itoobiya ah iyo fariimo diblomaasiyadeed ayaa ayaguna arrintan xaqiijinaya,
Inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadku ay sheegtay inaysan qayb ka ahayn colaadda Suudaan.
sawirro dayax-gacmeed oo ay falanqeeyeen khubaro ayaa muujinaya horumar degdeg ah oo laga sameeyay xeradan iyo kaabeyaasha ku dhow,ayadoo
Kumannaan dagaalyahanno ah lagu tababarayo
Warbixintu waxay sheegtay in ilaa 4,300 dagaalyahan oo RSF ah ay tababar ku jireen xerada bilowgii Janaayo 2026, Dagaalyahannadaas oo ay ka mid yihiin Itoobiyaan, xubno ka soo jeeda Koonfurta Suudaani, iyo dagaalyahanno ka socda kooxo hubeysan oo Suudaani ah.
Mas’uuliyiin milatari ayaa tilmaamay in kolonyo baabuur ah lagu arkay iyagoo boqolaal askari u daabulaya dhanka xadka Suudaan toddobaadyadii la soo dhaafay, si ay uga qayb qaataan dagaallada ka socda Suudaan.
Sidoo kale, waxaa isbeddel weyn laga dareemay garoonka diyaaradaha ee Asosa, oo qiyaastii 33 mayl u jira xeradan, iyadoo Sawirrada dayax-gacmeedku ay muujinayaan hangarro cusub, waddooyin laami ah, iyo xarun lagu hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Khubarada amniga ayaa sheegaya in kaabayaashani ay la mid yihiin saldhigyada drones-ka ee hore uga jiray Itoobiya, taasoo muujinaysa qorshe lagu xoojinayo awoodda hawada ee dhanka galbeed, isla markaana Asosa uu noqday marin muhiim ah oo RSF sahay looga gudbiyo xadka.
Ka-qaybgalka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa sii adkaynaya dagaalka Suudaan, oo bilowday 2023-kii, kana dhashay loollan awood oo u dhexeeya Ciidanka Qaranka Suudaan (SAF) iyo kooxda RSF, iyada oo labada dhinacba ay helayaan taageero caalami ah, khubaraduna waxay ka digayaan in khatarta dagaalkani ay sii kordhayso, xilli beesha caalamku ay ku baaqayso xabbad-joojin degdeg ah.