Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka 48-aad ee Golaha Fulinta AU oo lagu falanqeeyay Arrimaha Doorashooyinka, G20 iyo Mustaqbalka Midowga Afrika
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga 48-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika (AU), oo ka socda xarunta AU ee magaalada Addis Ababa.
Kulankaan oo ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, si ay isugu diyaariyaan shirweynaha 39-aad ee Madaxweynayaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Dowladaha Afrika, oo la filayo inuu qabsoomo 14–15 Febraayo 2026.
Wasiirradu waxa ay ka doodayaan arrimo muhiim ah oo quseeya jihada iyo mustaqbalka ururka, kuwaas oo ay ka mid yihiin warbixinta kulankii 51-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC), diyaargarowga doorashooyinka iyo magacaabista hay’adaha AU, xiriirka Midowga Afrika la leeyahay dalalka G20, iyo horumarka laga sameeyay hannaanka SACA.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan sare wuxuu muujinayaa doorka sii kordhaya ee ay ku leedahay madalaha diblomaasiyadda Afrika, iyo dadaalka ay ku doonayso in ay kaalin muuqata uga qaadato go’aannada saameeya amniga, horumarka iyo midnimada qaaradda.