Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa Gaaray
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyayaasha Afrika Meertada 39aad ee Shirmadaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulandoceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee Shirka ka qeybgalaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.