KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA AHNA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA URURKA JAAMACADDA CARABTA
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka u Qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmi
Baarista (ALECSO).
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee ALECSO, Dr. Mohamed Ould Amar, waxaana sidoo kale kulanka ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, iyo cilmi-baarista, iyadoo xubnaha wafdiga ALECSO ay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku saabsan howlaha ay hay’addu ka waddo Soomaaliya, iyo sidoo kale heerka wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha waxbarasho ee dalka.
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyey Ururka ALECSO doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada, ilaalinta hidaha iyo dhaqanka, iyo sidoo kale kobcinta cilmi-baarista, asigoo wafdiga ku boorriyey in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tayada waxbarashada, cilmi-baarista, iyo horumarinta aqoonta jiilka cusub.