U bood dhigaalka

Maxaa looga Hadlay Shirkii Maanta ee u Dhexeeyay Ra’iisalwasaaraha JFS iyo Wefdiga ka Socday Jaamacadda Carabta?

Sheeko:War

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO oo hay’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo culuunta.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuunta iyo kobcinta iyo koruqaadidda luqadda Carabiga.

Ra’iisulwasaaraha ayaa wefdiga siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dibudhiska hay’adaha, iyo dadaallada lagu tayaynayo nidaamka waxbarashada dalka.

Dhankooda, wefdiga Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado iskaashiga waxbarasho, iyaga oo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii ururrada waxbarashada caalamiga ah, isla markaana la sameeyay horumar muuqda oo lagu tayeynayo heerarka waxbarashada dalka. Waxay sidoo kale caddeeyeen in Jaamacadda Carabtu diyaar u tahay in ay bulshada Soomaaliyeed siiso fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan.

Intii uu kulanku socday, waxaa, sidoo kale, laga wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa horumarinta luqadda Carabiga oo ah luqadda labaad ee dalka, isla markaasna leh mudnaan gaar ah marka loo eego doorka ay ku leedahay aqoonta, diinta Islaamka iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.