U bood dhigaalka

Soomaaliya oo noqotay waddanka 45-aad ee ku biira African Peer Review Mechanism (APRM)

Sheeko:War

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay African Peer Review Mechanism (APRM), iyadoo noqotay waddanka 45-aad ee ku biira barnaamijkan is-qiimeynta iyo isla-xisaabtanka ee Midowga Afrika. taasoo ah tallaabo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid dadaallada dib-u-habeynta iyo horumarinta dowladnimada dalka.

Ku biirista Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay intii lagu guda jiray kalfadhiga 35-aad ee Golaha Hoggaamiyeyaasha Dowladaha iyo Madaxweynayaasha APRM, waxaana heshiiska ku biirista (Memorandum of Understanding) saxiixay Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Saxiixaasi wuxuu calaamad u yahay go’aan siyaasadeed oo heer sare ah oo ay dowladda Soomaaliya ku muujisay ka-go’naanshaha hannaanka dimuqraadiyadeed, isla-xisaabtanka hay’adaha, maamul wanaagga iyo koboca dhaqaale ee waara.

APRM waa nidaam iskaa-u-qaadasho ah oo hoos yimaada African Union, kaas oo waddamada xubnaha ka ah lagu qiimeeyo hab-maamul, hufnaan, maamul dhaqaale iyo horumar bulsho si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo wada-shaqeynta caalamiga ah.

Ku biirista Soomaaliya waxay muujinaysaa rabitaanka dowladda ee ah in si furan loo eego loona horumariyo nidaamyada dowliga ah, lana hubiyo in dib-u-habeyntu ay noqoto mid lagu saleeyo cabbirro caalami ah.

Tallaabadan ayaa sidoo kale sare u qaadaysa doorka Soomaaliya ee gudaha Midowga Afrika, waxayna xoojinaysaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-dhiska hay’adaha iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

Waxaa la filayaa in ku biirista APRM ay Soomaaliya ka caawin doonto helidda talooyin farsamo, khibrad iyo isbarbardhigyo caalami ah oo fududeynaya hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ku biirista APRM waxay si toos ah ula jaanqaadaysaa hiigsiga Qaaradda ee Agenda 2063: “Africa We Want”, iyadoo Soomaaliya muujisay inay doonayso inay noqoto waddan leh dowladnimo hufan, dhaqaale kobcaya iyo bulsho ka faa’iideysata fursadaha horumar waara.