Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay Madaxa Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Kirsten Young, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga iyo taageerada lagu horumarinayo awoodda iyo waxtarka Guddiga.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii hoggaanka cusub ee Guddiga la doortay horraantii bishan, ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo istiraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, tayeynta shaqaalaha iyo nidaamyada Guddiga, iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Dr. Maryam Qasim ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Guddiga Madaxa-Bannaan loo helo taageero farsamo iyo mid dhaqaale si uu si hufan ugu gutto waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dhiirrigelinta xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.




From the comments