U bood dhigaalka

Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo xoojinaya iskaashi lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha

Sheeko:War

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay Madaxa Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Kirsten Young, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga iyo taageerada lagu horumarinayo awoodda iyo waxtarka Guddiga.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii hoggaanka cusub ee Guddiga la doortay horraantii bishan, ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo istiraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, tayeynta shaqaalaha iyo nidaamyada Guddiga, iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Dr. Maryam Qasim ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Guddiga Madaxa-Bannaan loo helo taageero farsamo iyo mid dhaqaale si uu si hufan ugu gutto waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dhiirrigelinta xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale xustay in wada-shaqaynta Qaramada Midoobay ay tahay tiir muhiim u ah xaqiijinta heerar caalami ah oo ku aaddan xuquuqda aadanaha dalka.

Dhankeeda, Kirsten Young ayaa ballan-qaadday in Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Guddiga, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, la-talinta sharciyeed, iyo dhisidda awoodda hay’adaha, si loo hubiyo in Guddigu noqdo mid wax ku ool ah oo la jaan-qaadi kara caqabadaha ku xeeran ilaalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.