U bood dhigaalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo ku Saabsan Xeer-nidaamiyaha Ilaalinta xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta

Sheeko:War

Muqdisho, 16 Febraayo 2026 — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Macaamiisha Isgaarsiinta.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoos mara, wakiillo ka socda macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qabyo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.

Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeeddada siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka kulkan, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojinta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dhijitaalka