DEG-DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hotel Decale ku qaabilaya Siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka
MUQDISHO – Wararka naga soo gaaraya dhismaha Hotel Decale ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu halkaas ka furmay kulan ballaaran oo qado-sharaf ah, kaas oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ugu sameeyay xubnaha sare ee Golaha Mustaqbalka.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa yimid kadib markii ay siyaasiyiinta Goluhu gaareen hotelka, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Inkasta oo kulanku u muuqdo mid maamuus iyo qado ah, haddana xogta hoose ayaa xaqiijinaysa inay socdaan wada-hadallo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka ee xilligan taagan.
Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim u ah isku soo dhowaanshaha dowladda iyo mucaaradka, iyadoo weli aysan dhicin wax kulamo tan iyo markii ay Muqdisho soo gaareen golaha Mustaqbalka.