Soomaaliya oo si rasmi ah loogu oggolaaday daabacaadda Baasaboorka Ururka Bariga Afrika (EAC)
DAR ES SALAAM, TANZANIA – War hadda naga soo gaaray magaalada Dar es Salaam ayaa sheegaya in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, uu maanta ku wareejiyay go’aankii rasmiga ahaa ee dowladda Soomaaliya loogu oggolaaday daabacaadda baasaboorka EAC iyo naqshaddiisa farsamo Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane General Abdulahi Sheikh Ismail “Fartaag” iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Mustafa Sheekh Axmed Dhuxulow.
Tallaabadan muhiimka ah ayaa dabo-socota heshiisyo ay shalay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania, waxayna oggolaanaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u billaawdo daabacaadda baasaboorka EAC laga bilaabo bishii December 2026.
Arrintan ayaa dowladda Soomaaliya u ah guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, taas oo horseedi doonta is-dhexgal ballaaran oo dhexmara waddamada gobolka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhex safra dalalka ururka Bariga Afrika.
Guushan ayaa sidoo kale xoojinaysa kalsoonida lagu qabo dukumiintiyada socdaalka Soomaaliya, iyadoo naqshadda cusub ee baasaboorka ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay si buuxda ugu biirtay nidaamka socdaalka ee casriga ah ee ka shaqeeya gobolka Bariga Afrika.