DEG-DEG: Shir u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka oo ka furmay Villa Soomaaliya
Waxaa goordhow Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia si rasmi ah uga furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha sarsare ee Golaha Mustaqbalka.
Kulankan ayaa bilowday ka dib markii kolonyada gaadiidka ee siday wafdiga Golaha Mustaqbalka ay gaareen xarunta madaxtooyada.
Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha masiiriga ah ee horyaalla qaranka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed.
Labada dhinac ayaa la filayaa inay iska weydiiyaan su’aalo ku saabsan hannaanka dowladnimada iyo mustaqbalka fog ee Soomaaliya, iyadoo kulankani uu qayb ka yahay dadaallada madaxweynuhu ugu jiro ballaarinta wada-tashiyada uu la leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ururada siyaasadeed.