Waxaa goordhow Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia si rasmi ah uga furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha sarsare ee Golaha Mustaqbalka.
Kulankan ayaa bilowday ka dib markii kolonyada gaadiidka ee siday wafdiga Golaha Mustaqbalka ay gaareen xarunta madaxtooyada.
Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha masiiriga ah ee horyaalla qaranka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed.




From the comments