U bood dhigaalka

Waa kuwee Dalalka Maanta ay u tahay Maalinta Koowaad ee Soonka?

Sheeko:War

​Iyadoo qayb badan oo ka mid ah caalamka Islaamka ay maanta u tahay maalintii labaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, haddana waxaa jira dalal dhowr ah oo ay maanta oo Khamiis ah u tahay maalintii koowaad ee ay u dareereen gudashada waajibka soonka.

Kala duwanaanshahan ayaa yimid ka dib markii habeenkii Arbacada laga dhex arkay bisha deegaannadaas, halka dalalka kale ay Arbacadii shalay ahaydba u aqoonsadeen kowda Ramadaan.

​Dalalka maanta ay u tahay maalinta koowaad ee soonka waxaa ka mid ah Turkiga, Masar, Suuriya, Urdun, Liibiya, Algeeriya, iyo Singapore.

Sidoo kale, dalka Indonesia oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan caalamka Islaamka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay soonka ka dib markii wasaaradda arrimaha diinta ee dalkaas ay ku dhawaaqday in Khamiista ay tahay billowga bisha barakaysan.

Dhanka kale, dalka Cumaan ayaa isagu horay u sii shaaciyay toddobaad ka hor in maanta oo Khamiis ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan 1447 Hijriga.

​Guud ahaan, kala duwanaanshahan ayaa ah mid inta badan soo laalaabta, waxaana keena hababka kala duwan ee loo raadiyo bisha oo isugu jira aragtida isha iyo adeegsiga xisaabaadka xiddigaha.