U bood dhigaalka

Qarax Gaari Lagu Xiray oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:War

Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday mas’uul ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in gaariga Gen. Cabdirisaaq Afgaduud, oo ka tirsan hoggaanka caafimaadka ee Booliska, loogu xiray walxaha qarxa.

Xilliga qaraxa lagu xirayay gaariga, mas’uulka ayaa ku sugnaa masaajid, sida ay xaqiijiyeen ilo amni.

Qaraxa ayaa dhacay markii uu mas’uulku ku soo laabtay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Hotel Global, halkaas oo gaarigu ku qarxay.

Goobjoogayaal iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaasi.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegayay in weerar lagu qaaday xarun dowladeed, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Ciidamada amniga ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaanno la xiriira sida uu falku u dhacay iyo cidda ka dambeysay.