U bood dhigaalka

Mareykanka oo weerar ka fuliyay Badweynta Pacific iyo faahfaahinno ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas

Milateriga Mareykanka ayaa weerar hawada ah ku qaaday dooni lagu tuhunsanaa inay ku lug lahayd ka ganacsiga daroogada, taasoo maraysay marin badeed ku yaalla Bariga Badweynta Pacific.

Sida ay shaacisay US Southern Command, howlgalka waxaa fulisay cutubka loo yaqaan Joint Task Force Southern Spear, waxaana lagu tilmaamay weerar ba’an oo toos ah oo lala beegsaday markab ay maamulayeen kooxo lagu sifeeyay ururo argagixiso.

War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in saddex nin lagu dilay weerarkaasi, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ahaayeen dad lagu tuhunsan yahay inay isku xiraan falal argagixiso iyo ka ganacsiga daroogada.

Taliska ayaa sidoo kale baahiyay muuqaal muujinaya doonta oo hawada laga duqeeyay, dabna qabsaday, waxaana weerarkaasi uu qeyb ka ahaa olole milateri oo Mareykanku bilaabay horraantii bishii  Sebtembar ee sanadkii 2025, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo doomaha lagu tuhunsan yahay tahriibinta iyo ka ganacsiga daroogada ee maraya Badweynta Pacific iyo badda Caribbean-ka.

Sida ay sheegeen saraakiishu, tan iyo bilowga howlgalka waxaa la dilay ku dhowaad 150 qof, halka tobanaan doomood la burburiyay, waxaana tallaabooyinkani ay dhaliyeen dood sharci iyo mid siyaasadeed.

Qaar ka mid ah khubarada sharciga iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay in weerarradan la fulinayo iyadoo aan la soo bandhigin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa dambiyada lagu eedeynayo dadka la dilayo.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacaya howlgalka, isaga oo ku adkeysanaya in tallaabooyinkani ay lagama maarmaan u yihiin la dagaallanka ganacsiga daroogada iyo shabakadaha hubaysan ee ka howlgala Latin America.

Dowladda ayaa sidoo kale kordhisay joogitaanka ciidamo badeed oo ku sugan xeebaha Koonfurta Ameerika, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada la xiriira tahriibinta daroogada.