Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan xaaladda degdega ah ee abaaraha ka jira Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dalku uu marayo marxalad aad u xasaasi ah oo u baahan gurmad caalami ah oo aan dib u dhac lahayn.
Warbixinta hay’adda ayaa lagu muujiyay in ku dhowaad afar milyan iyo afar boqol oo kun oo qof ay hadda wajahayaan heerar aad u sarreeya oo gaajo ah, kuwaas oo u baahan gargaar raashin oo joogto ah si ay u badbaadiyaan noloshooda.
Waxa intaas sii dheer in ku dhowaad hal milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin gaajo daran oo horseedi karta macluul haddii aan lala gaarin taageero degdeg ah oo dhanka nafaqada iyo cunnada ah.




From the comments