U bood dhigaalka

Aqalka Madaxtooyada: Shir Xasaasi ah oo u Furmay Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:War

Waxaa goor dhow si rasmi ah uga bilowday Aqalka Madaxtooyada shirkii labaad ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka labada heer iyo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka.

Kulankan ayaa imanaya ka dib markii ay hore u fashilmeen dadaallo lagu doonayay in guddiyo kooban ay wadahadal yeeshaan.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in dooddu ay tahay mid adag, iyadoo dhinacyadu ay weli ku kala aragti duwan yihiin qodobada la isku hayo.

Mucaaradka ayaa ku adkaysanaya labo arrimood oo kala ah in la isla meeldhigo: hannaan doorasho oo wada-oggol ah iyo in la hakiyo wax-ka-beddelka hal dhinac ee Dastuurka, halka dhinaca dowladda uu difaacayo geeddisocodka hadda socda.