Waxaa goor dhow si rasmi ah uga bilowday Aqalka Madaxtooyada shirkii labaad ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka labada heer iyo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka.
Kulankan ayaa imanaya ka dib markii ay hore u fashilmeen dadaallo lagu doonayay in guddiyo kooban ay wadahadal yeeshaan.




From the comments