Dawladda Sudan oo cambaareysay booqashadii uu hoggaamiyaha RSF ku tagey dalka Uganda
Suudaan ayaa si kulul u cambaareysay martiqaadka ay Uganda u fidisay hoggaamiyaha ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, kuna tilmaamtay tallaabadaas mid xadgudub ku ah qiyamka aadanaha iyo shacabka Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii ku cambaareysay si adag qaabilaadda Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti iyo kulankii uu Jimcihii kula yeeshay Madaxtooyada Entebbe Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
War-saxaafadeedka Khartuum ayaa lagu sheegay in tallaabadan aan hore loo arag ay gef ku tahay bani’aadannimada sidoo kalena ay meel ka dhac ku tahay shacabka Suudaan, isla markaana ay indhaha ka leexinayso dhibaatada iyo dhimashada rayidka ay sababeen dagaallada u dhexeeya RSF iyo ciidanka qaranka.
Ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa hore ugu eedeeyay RSF inay geysteen dambiyo dagaal iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah.
Dowladda Suudaan waxay sheegtay in martigelinta Dagalo ay si buuxda u baalmarayso xeerarka nidaamiya xiriirka dowladaha xubnaha ka ah ururrada goboleed iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo mamnuucaya taageeridda kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowlad si sharci ah loo aqoonsan yahay.
Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa qarxay 2023, kaddib iska horimaad u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhan iyo RSF-ta uu hoggaamiyo Dagalo.