Suudaan ayaa si kulul u cambaareysay martiqaadka ay Uganda u fidisay hoggaamiyaha ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, kuna tilmaamtay tallaabadaas mid xadgudub ku ah qiyamka aadanaha iyo shacabka Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Axaddii ku cambaareysay si adag qaabilaadda Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti iyo kulankii uu Jimcihii kula yeeshay Madaxtooyada Entebbe Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
War-saxaafadeedka Khartuum ayaa lagu sheegay in tallaabadan aan hore loo arag ay gef ku tahay bani’aadannimada sidoo kalena ay meel ka dhac ku tahay shacabka Suudaan, isla markaana ay indhaha ka leexinayso dhibaatada iyo dhimashada rayidka ay sababeen dagaallada u dhexeeya RSF iyo ciidanka qaranka.




From the comments