Hay’adaha Caalamiga ah oo ka digaya in colaad aan horay loo aragi ay ka qaraxdo Itoobiya
Ku dhowaad 20 urur oo caalami iyo goboleed isugu jira, kana shaqeeya xuquuqda aadanaha iyo arrimaha bini’aadannimada, ayaa ka digay in Itoobiya ay qarka u saaran tahay dagaal ballaaran oo dib uga qarxa dalka, iyagoo ku baaqay in beesha caalamka ay si degdeg ah u farageliso si looga hortago xasuuqyo iyo tacaddiyo hor leh.
Warqad furan oo ay soo saareen dhowaan ayay ururradani ku sheegeen in colaadaha weli aan xal loo helin, isla markaana ay sii dheeryihiin dhaqan la’aanta, isla xisaabtanka oo liita, iyo xiisadaha goboleed ee isa soo tarayaahi ay khatar weyn ku yihiin dadka rayidka ah.
Waxay xuseen warbixinno ka soo baxay Xafiiska Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (OHCHR), kuwaas oo tilmaamaya isticmaalka hub culus, weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drones), iyo xarigga aan sharciyeysneyni ay jiraan, xaaladduna ay gaartay heer ay sii yaraaneyso fursadda lagu dejin karo xiisadaha.
Ururradu waxay caddeeyeen in aan horumar muuqda laga gaarin xal waara oo laga helo colaadaha ka jira gobollada Tigray, Oromia iyo Amhara, inkastoo ay jireen baaqyo isdaba joog ah oo caalami ah oo ku saabsan nabad iyo isla xisaabtan.
Waxay ku tilmaameen xaaladda mid “aad u nugul,” iyagoo sheegay in cadaadiska lagu hayo bulshada rayidka, xayiraadaha warbaahinta madax-bannaan, iyo joojinta hannaanadii dabagalka xadgudubyada ay sii adkeynayaan fahamka baaxadda tacaddiyada, isla markaana ay wiiqayaan dadaallada digniinta hore iyo ka hortagga colaadaha.
Baaqa ay jeediyeen ururradu wuxuu ku wajahan yahay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyagoo ku boorriyay in dib loo bilaabo dadaallo diblomaasiyadeed oo isku dhafan, kuwaas oo aqoonsanaya xiriirka iyo is-dhexgalka colaadaha ka jira Tigray, Oromia iyo Amhara.
Digniintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku aaddan mustaqbalka xasilloonida Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ururradu ku celceliyeen in tallaabo la’aan ay horseedi karto musiibo bani’aadamnimo oo cusub.