Rabshado ka taagan gobollo badan oo Mexico ka tirsan ka dib dilkii Hoggaamiyaha kooxda CJNG, El Mencho
Nemesio Oseguera Cervantes, oo si weyn loogu yaqaanay naanaysta El Mencho, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ururka daroogada ka ganacsata ee Jalisco New Generation Cartel (CJNG), ayaa lagu dilay howlgal amni oo ay ciidamada Mexico ku doonayeen in ay ku soo qabtaan, sida ay xaqiijisay dowladda dalkaas.
Wasaaradda Difaaca ee Mexico ayaa sheegtay in El Mencho uu u dhintay dhaawacyo culus oo ka soo gaaray iska horimaad hubeysan oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo taageerayaashiisa, kaddib markii lagu qabtay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay.
Wararka ayaa tilmaamaya in uu dhintay xilli loo waday caasimadda Mexico City si loo geeyo xarun caafimaad oo heer sare ah, ayadoo iska horimaadka ayaa ka dhacay degmada Tapalpa ee gobolka Jalisco, halkaas oo afar ka mid ah xubnaha CJNG lagu dilay, saddex askarina ay ku dhaawacmeen.
Dowladda Mexico waxay sheegtay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada gaarka ah, iyadoo ay taageerayeen diyaaradaha Ciidanka Cirka iyo Ilaalada Qaranka,intii uu socday howlgalka, waxaa la qabtay gaadiid gaashaaman iyo hub culus oo ay ku jireen gantaallo lidka taangiyada ah.
Geerida El Mencho ayaa dhalisay rabshado baahsan, iyadoo CJNG ay ka falcelisay tallaabadaas, gubtay gaadiid, dhistay jid-gooyooyin, isla markaana weerarro ku qaaday ciidanka ammaanka siddeed gobol oo dalka ah.
Xaaladdaas awgeed, Mareykanka ayaa soo saartay digniin amni oo ku wajahan muwaadiniinteeda ku sugan gobollada Jalisco iyo Tamaulipas, iyo qaybo ka mid ah Michoacán, Guerrero iyo Nuevo León, iyadoo kula talisay inay guryahooda joogaan ilaa xaaladdu ka degayso.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum Pardo, ayaa ugu baaqday shacabka inay is dejiyaan, iyadoo sheegtay in inta badan dalka ay hawlaha caadiga ahi si habsami leh u socdaan, inkastoo ay jiraan meelo ay rabshaduhu saameeyeen.
El Mencho, oo 59 jir ahaa islamarkaana hore uga tirsanaa booliska, ayaa hoggaaminayay mid ka mid ah kooxaha daroogada ee ugu awoodda badan Mexico, laguna eedeeyay inuu Mareykanka u dhoofiyo qaddar aad u badan oo kookeeyn, methamphetamine iyo fentanyl ah.
Dowladda Mareykanka ayaa hore u madixiisa abaalmarin dhan $15 milyan oo doolar la siinayo ciddii keenta xog horseedi karta qabashadiisa, waxayna sheegtay inay xog sirdoon la wadaagtay Mexico oo gacan ka geysatay howlgalka lagu dilay.
Geerida El Mencho ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli karta jihada dagaalka dowladda Mexico kula jirto kooxaha daroogada, iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kordhaan rabshadaha ka dhasha loollanka awoodda ee ka dhex qarxi kara CJNG.