Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo isaga baxay Khudbaddii Madaxweyne Trump
Munaasabadda khudbadda sannadlaha ah ee State of the Union ee uu jeedinayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isku beddeshay fagaare ay ka dhalatay xiisad xooggan, ka dib markii ay si weyn uga hor yimaadeen xildhibaannada kala ah Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib.
Labadan haween ee muslimka ah, kuwaas oo caan ku ah inay si adag u dhaleeceeyaan siyaasadaha maamulka Trump, ayaa go’aansaday inay gabi ahaanba isaga baxaan hoolka Congress-ka iyadoo uu madaxweynuhu weli khudbad weyn ka dhex akhrinayo xubnaha labada aqal.
Xiisadda ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay xilli uu Madaxweyne Trump ka hadlayay faragelinta milatary iyo hawlgallada uu Mareykanka ka fuliyo dalalka Venezuela iyo Bariga Dhexe.
Xilligaas, Ilhan Omar ayaa la sheegay inay kor u qaadday codkeeda iyadoo madaxweynaha ku tilmaamtay “dilaa,” taas oo keentay in madaxweynuhu uu hadalka joojiyo, isagoo si kulul ugu jawaabay inaysan waxba ahayn, isla markaana ay tahay qof is moodday oo u baahan inay is garato.
Falkan ay ku kaceen labadan xildhibaan ayaa muujinayay kala qaybsanaanta ba’an ee ka dhex jirta siyaasadda Mareykanka iyo loolanka adag ee u dhaxeeya garabka bidix ee xisbiga Dimuqraadiga iyo aqalka cad.
Ka bixitaanka hoolka iyo isweydaarsiga ereyada kulul ee dhex maray Ilhan iyo Trump ayaa si weyn u qabsaday warbaahinta caalamka, waxayna dib usoo cusboonaysiisay doodaha ku saabsan hab-dhaqanka madaxda iyo xuduudaha mucaaradnimada ee ka dhex jirta xarumaha ugu sarreeya ee go’aannada Mareykanka looga gaaro.