Sacuudiga oo Mamnuucay Keenista Digaagga iyo Ukunta 40 Waddan
Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Sacuudi Carabiya (SFDA) ayaa soo saartay go’aan lagu joojinayo soo dejinta hilibka digaagga iyo ukunta laga keeno 40 dal oo caalamka ah.
tallaabadan oo ujeeddadeedu tahay in laga hortago faafitaanka cudurka hargabka shimbiraha iyo xanuunka Newcastle.
Dalalka xayiraadda buuxda la saaray waxaa ka mid ah waddamada UK, Jarmalka, Shiinaha, Bangladesh, Masar, Hindiya, iyo Suudaan, halka 16 waddan oo kale oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Faransiiska laga saaray xayiraad qayb ah oo ku kooban gobollo gaar ah oo cudurradaas laga helay.
Go’aankan ma saameynayo alaabta digaagga ee soo martay habka kulaylka sare looga dilo jeermiska (Heat-treated), waana in alaabtaas ay wadataa shahaado caafimaad oo caddaynaysay inay badqabto.
Sacuudigu wuxuu sheegay inay si joogto ah ula socdaan xaaladda caafimaad ee caalamka iyagoo kaashanaya Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha (WOAH) si ay go’aamadooda u cusboonaysiiyaan hadba sidii xaaladdu isku beddesho.