Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Xoojinaya Xiriirkooda Dibloomaasiyadeed
Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo ugu wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Jeyhun Bayramov.
Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Baku, ayaa labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Safiir Cabdinuur ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu ka shaqeeyo horumarinta xiriirka dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amniga, isagoo xoogga saaraya fulinta heshiisyadii ay labada dal horay u galeen bishii Febraayo ee sannadkii 2025.
Dhankiisa, Wasiir Bayramov ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso iskaashi waara oo miro-dhal ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo cilmi-baarista oo ah meelaha ay labada waddan iska kaashan karaan.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku ballaarinayso saaxiibadeeda caalamiga ah iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa fursadaha horumarineed ee ka jira gobolka Eurasia.