Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo ugu wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Jeyhun Bayramov.
Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Baku, ayaa labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Safiir Cabdinuur ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu ka shaqeeyo horumarinta xiriirka dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amniga, isagoo xoogga saaraya fulinta heshiisyadii ay labada dal horay u galeen bishii Febraayo ee sannadkii 2025.




From the comments