Dagaal culus oo ka dhex qarxay dalalka Pakistan iyo Afgaanistaan
Waxaa cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Pakistan iyo Afghanistan kaddib iska horimaadyo iyo weerarro is-daba joog ah oo ka dhacay aagga xadka, gaar ahaan hareeraha Khadka Durand Line.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in shacabka iyo ciidamada qalabka sida ay heegan buuxa ugu jiraan difaaca amniga, madaxbannaanida iyo midnimada dhulka dalkiisa.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ay go’aansadeen in aysan oggolaan doonin wax khatar ah oo loo geysto badqabka iyo amniga qaranka, islamarkaana aan la muujin doonin wax tanaasul ah marka ay timaaddo difaaca dalka, iyadoo la ballanqaaday in si habboon looga jawaabi doono weerar kasta oo dhaca.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in 133 ka tirsan dagaalyahannada Taliban-ta Afgaanistaan lagu dilay howlgallo milatari, halka in ka badan 200 kalena la dhaawacay, wuxuuna intaas ku daray in weerarrada ka jawaabista ah ee Pakistan ay weli socdaan.
Wasaaradda Difaaca ee Afghanistan ayaa dhankeeda sheegtay in 55 askari oo ka tirsan ciidamada Pakistan lagu dilay howlgallo laga fuliyay daanta kale ee Khadka Durand, isla markaana ay la wareegeen laba saldhig iyo 19 bar-kontorool oo ay lahaayeen ciidamada Pakistan.
Dawladda Afghanistan waxay sidoo kale qiratay in 8 askari oo ka tirsan ciidamadooda la dilay, 11 kalena la dhaawacay intii ay socdeen iska horimaadyada.
Sidoo kale, ilo amni oo Afgaani ah ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay weerar ku qaadeen fariisimo xuduudeed oo ay leeyihiin ciidamada Pakistan, taasoo jawaab u ahayd duqeyn dhinaca cirka ah oo horey u dhacday.
Xiisaddan cusub ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo suurtagalnimada dagaal ballaaran oo ka qarxa xadka labada dal, iyadoo beesha caalamka ay indhaha ku heyso xaaladda sii kacsaneysa.