U bood dhigaalka

Golaha Mustaqbalka oo soo saaray War cusub oo ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka

Sheeko:War

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-murtiyeed ku taariikhaysan 27-ka Febraayo 2026, kaas oo ka kooban go’aanno la xiriira xaaladda dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

​Goluhu wuxuu cambaareeyay wax-ka-beddelka hal-dhinnaca ah ee lagu sameeyay sharcidarrada dastuurka, isagoo madaxda Dawladda Federaalka uga digay tallaabooyinkaas maadaama lagula xisaabtami doono.

Waxay ku adkaysteen in Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012 uu yahay kan rasmiga ah ee dalka, isla markaana aan la samayn karin wax-ka-beddel aan waafaqsanayn sharciga.

​Dhinaca kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-dhaafk ah si degdeg ah loo qabto.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay gogol fidin doonaan 10-ka Abriil si looga shaqeeyo badbaadinta dawladnimada, maadaama muddo xileedka labada aqal ee Baarlamaanka uu ku ekaanayo 14-ka Abriil.