Warbaahinta Al Jazeera ayaa tabisay, iyadoo xiganaysa saraakiil Iiraan ah, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay sheegtay in Bariga Dhexe uu isu beddelay “furin dagaal oo furan,” isla markaana meel kasta oo laga soo weeraro ay ka gaari doonaan jawaabteeda.
Digniino iyo Gantaalo la qabtay
Wararka ayaa sheegaya in saldhigyo ku yaalla dalal Carbeed laga abaabulay weerarro socda.
Dalalka ay xaaladdu sida gaarka ah u taabatay waxaa ka mid ah:
Urdun – oo ku dhawaaqday heer digniin sare ah, iyadoo la sheegay in gantaalo lagu qabtay hawadeeda.
Baxreyn – oo iyaduna yeertay siiriga digniinta, islamarkaana la sheegay in gantaalo lala beegsaday saldhigyo uu Mareykanku ku leeyahay.
Qatar – ayaa dhankeeda sheegtay in xaaladdu ay nabad tahay balse ay Gantaalo hawada ka qabatay.




From the comments