Dalalka Germany, France iyo United Kingdom ayaa si adag u cambaareeyay weerarro ay Iran ku qaadday dalal ka tirsan gobolka, iyagoo ku boorriyay hoggaanka Tehran inay ka fogaadaan duqeymo aan kala sooc lahayn isla markaana ay dib u bilaabaan wada-xaajoodyo siyaasadeed.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa lagu yiri:
“Waxaan si kulul u cambaareyneynaa weerarrada Iiraan ku qaaday dalalka gobolka, waxaana ugu baaqeynaa hoggaanka Iiraan inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-xaajoodka, islamarkaana ay raadiyaan xal lagu dhammeeyo khilaafaadka.”
Hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen in dalalkoodu si joogto ah ugu boorrinayeen Iiraan inay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka, xaddido horumarinta gantaallada ballistic-ka, isla markaana ka waantoobto falal ay ku tilmaameen kuwo xasilooni-darro ka abuuraya gobolka.




From the comments