U bood dhigaalka

Dalalka Jarmalka, Faransiiska, Iyo UK oo Iiran ugu baaqay inay joojiso weerarrada dalalka gobolka

Dalalka Germany, France iyo United Kingdom ayaa si adag u cambaareeyay weerarro ay Iran ku qaadday dalal ka tirsan gobolka, iyagoo ku boorriyay hoggaanka Tehran inay ka fogaadaan duqeymo aan kala sooc lahayn isla markaana ay dib u bilaabaan wada-xaajoodyo siyaasadeed.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa lagu yiri:
“Waxaan si kulul u cambaareyneynaa weerarrada Iiraan ku qaaday dalalka gobolka, waxaana ugu baaqeynaa hoggaanka Iiraan inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-xaajoodka, islamarkaana ay raadiyaan xal lagu dhammeeyo khilaafaadka.”

Hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen in dalalkoodu si joogto ah ugu boorrinayeen Iiraan inay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka, xaddido horumarinta gantaallada ballistic-ka, isla markaana ka waantoobto falal ay ku tilmaameen kuwo xasilooni-darro ka abuuraya gobolka.

Bayaanka waxaa lagu caddeeyay saddexda dal aysan ka qeyb qaadan weerarradii Sabtidii dhacay, balse ay xiriir dhow la leeyihiin saaxiibbadooda caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Israa’iil.