U bood dhigaalka

DEGDEG: Israa’iil oo sheegtay in la dilay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan

Sheeko:War

Maamulka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in la dilay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, sida uu warbaahinta u sheegay masuul ka tirsan maamulka Israa’iil oo la hadlay Reuters.

Masuulkaas ayaa sheegay in la helay meydka Khamenei, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiraan ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay warkan, marka laga reebo sheegashada Israa’iil.

Wararkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iiraan ay marayso heerkii ugu sarreeyay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faah-faahin dheeraad ah iyo jawaab ka timaadda Tehran.