Israa’iil oo weerar ku qaaday Iiraan
Wararka degdegga ah ee laga helayo Bariga Dhexe ayaa sheegaya in Israa’iil ay fulisay weerar ay ku tilmaantay weerar horudhac ah oo ka dhan ah Iiraan.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Wasaaradda Difaaca Israa’iil ayaa sheegtay in tallaabadani ay ahayd mid looga hortagayo hanjabaad amni oo ay u aragtay mid ka imaneysa Tehran.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhawaaqyo jug xooggan laga maqlay gudaha magaalada Tehran, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin waxa sababay jugtaas iyo in ay si toos ah ula xiriirto weerarka la sheegay.
Dhanka kale, warbaahinta Israa’iil ayaa werisay in qalabka digniintu uu ka qeyliyay guud ahaan deegaannada maamulkaas, taasoo muujineysa in xaalad heegan sare ah la geliyay.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Iiraan oo si cad u xaqiijinaya weerar toos ah oo ka dhacay caasimadda, xaaladda ayaana weli ah mid cakiran, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iiraan ay isu beddesho iska horimaad ballaaran oo saameyn ku yeesha guud ahaan Bariga Dhexe.
Wararku waa kuwo soo kordhaya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhabta ah ee ka dhacay gudaha Iiraan iyo jawaabaha ka imaanaya labada dhinac.