U bood dhigaalka

Xiisadda Israa’iil iyo Iiraan oo Sii Kordhaysa iyo dalalka Carabta qaar oo digniin u diray Iiraan

Xiisad militari oo halis ah ayaa ka qaraxday Bariga Dhexe kadib markii Israa’iil ay weerarro ku qaadday goobo ku yaalla gudaha Iiraan, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay in howlgalka lagu magacaabay Zaeer Al-Asad (Guuxa Libaaxa), isaga oo sheegay in ujeeddadiisu tahay wiiqidda awoodda militari ee Iiraan, isla markaana uu sii socon doono haddii hanjabaadaha ka imanaya Tehran ay istaagi waayaan.

Dhinaca kale ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa shaaciyay inay jawaab celin xooggan bixiyeen weerarrada Israa’iil iyo  Mareykanka, iyagoo sheegay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen xarunta hoggaanka Ciidanka Badda Maraykanka ee Fifth Fleet ee ku taalla Baxrayn, iyo sidoo kale saldhigyo Maraykan ku leeyahay Qadar iyo Imaaraadka, iyo xarumo militari iyo amni oo ku yaalla Israa’iil.

Waxay intaa ku dareen in weerarradu ay qayb ka yihiin howlgal ay ugu magac dareen “Ballanqaadka Runta 4”, isla markaana ay sii socon doonaan.

Saameynta weerarrada ayaa gaartay dalalka kale ee gobolka ah, ayadoo ciidanka Jordan ay ku dhawaaqeen inay si guul leh u soo rideen laba gantaal oo ballistic ah oo ku wajahnaa dhulkooda, iyagoo xaqiijiyay in nidaamyada difaaca cirka ay si buuxda u shaqeynayaan, ayna diyaar u yihiin ka hortagga khatar kasta oo ku timaadda amniga dalka.

Dhanka, Dowladda Qadar ayaa si kulul u cambaareysay ku xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida dalalka Kuweyt, Imaaraadka, Urdun iyo Baxrayn, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda, loona laabto miiska wada-hadallada si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Ayadoo uu dagaalku cirka isku shareerayo, adeegga NetBlocks ee kormeera internet-ka ayaa sheegay in Iiraan ay wajahday go’itaan ballaaran oo internet ah, taas oo sii adkeynaysa helitaanka xog sugan oo ka imanaysa gudaha dalkaas xilligan xasaasiga ah.

Sidoo kale, Reza Pahlavi, oo ah wiilka boqorkii hore ee Iiraan kana mid ah mucaaradka, ayaa sheegay in gargaar uu horey u ballanqaaday madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu soo gaaray shacabka Iiraan.

Wuxuu uga digay cid kasta oo la safan nidaamka hadda jira inay la quusi doonaan, isaga oo ku dooday in shacabka Iiraan ay yihiin xulafo dabiici ah oo la leh Maraykanka iyo dunida xorta ah.

Guud ahaan, xiisaddan sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo dagaal ku fida dalal badan oo gobolka ah, gaar ahaan maadaama weerarradu taabteen saldhigyo Maraykan iyo dalal Carbeed oo dhowr ah, beesha caalamka ayaana ku baaqaysa in si degdeg ah loo dejiyo xaaladda si looga hortago burbur amni iyo mid dhaqaale oo saameeya gobolka iyo caalamkaba.