Xildhibaanada laga soo doorto degmada Buurhakaba ee ku jira Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warqad cabasho ah oo rasmi ah u gudbiyay hoggaanka Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM (Sector 3) inay faragelin toos ah ku hayaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka degmada Buurhakaba.
Xildhibaanadan oo kala ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, Fowsiya Maxamed Sheekh, iyo Maxamed Cali Xasan, waxay si cad u sheegeen in ciidamada Itoobiya ay cadaadis aan loo baahnayn saarayaan maamulka deegaanka, taasoo ka baxsan waajibaadkii loo igmaday ee ahaa ilaalinta rayidka iyo xasilinta.
Qoraalka xildhibaanada ayaa lagu xusay in dareenka dadka deegaanka uu aad u kacsan yahay, iyadoo tusaale loo soo qaatay dhacdooyinkii 2018-kii ee ka dhacay Koonfur Galbeed iyo xarigii Mukhtaar Roobow, taasoo ay sheegeen inay weli tahay nabar ka dhex muuqda kalsoonida dadka iyo ciidanka shisheeye.




From the comments