U bood dhigaalka

​Xildhibaanada matala degmada Buurhakaba oo Midowga Afrika u gudbiyay cabasho ka dhan ah faragelinta ciidamada Itoobiya

Sheeko:War

​Xildhibaanada laga soo doorto degmada Buurhakaba ee ku jira Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warqad cabasho ah oo rasmi ah u gudbiyay hoggaanka Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM (Sector 3) inay faragelin toos ah ku hayaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka degmada Buurhakaba.

Xildhibaanadan oo kala ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, Fowsiya Maxamed Sheekh, iyo Maxamed Cali Xasan, waxay si cad u sheegeen in ciidamada Itoobiya ay cadaadis aan loo baahnayn saarayaan maamulka deegaanka, taasoo ka baxsan waajibaadkii loo igmaday ee ahaa ilaalinta rayidka iyo xasilinta.

​Qoraalka xildhibaanada ayaa lagu xusay in dareenka dadka deegaanka uu aad u kacsan yahay, iyadoo tusaale loo soo qaatay dhacdooyinkii 2018-kii ee ka dhacay Koonfur Galbeed iyo xarigii Mukhtaar Roobow, taasoo ay sheegeen inay weli tahay nabar ka dhex muuqda kalsoonida dadka iyo ciidanka shisheeye.

Waxay xildhibaanadu hoosta ka xariiqeen in xilligan oo uu jiro muran ku saabsan sharciyadda muddo xileedka maamulka Koonfur Galbeed, looga baahan yahay ciidamada caalamiga ah inay muujiyaan dhex-dhexaadnimo buuxda, balse waxa hadda ka dhaca Buurhakaba ay u muuqdaan kuwo sii kordhinaya xasilooni darrada iyo kala qaybsanaanta bulshada.

​Ugu dambayn, xildhibaanadu waxay dalbadeen in Midowga Afrika uu baaritaan dhab ah ku sameeyo hab-dhaqanka ciidanka Sector 3 ee ku sugan Buurhakaba, isla markaana laga qaado xayiraadaha dhinaca hawada iyo caqabadaha hortaagan gargaarka bani’aadamnimo ee deegaankaas looga baahan yahay.

Waxay ku baaqeen in la ixtiraamo xuquuqda dadka deegaanka ee ah inay iyagu doortaan hoggaankooda iyadoo aan faragelin dibadda ah lagu hayn, si loo helo xasilooni waarta oo ka dhalata gobolka.