Erdogan oo Tacsi u Diray Iiraan Kana Hadlay Geerida Hoggaamiye Cali Khamenei
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi rasmi ah u diray shacabka Iran kadib markii la xaqiijiyay geerida Hoggaamiyihii Sare ee dalkaas, Ali Khamenei, oo ku dhintay weerarro cirka ah oo shalay ka dhacay Tehran.
Erdogan ayaa sheegay inuu si weyn uga murugooday dhimashada Khamenei, isagoo Alle uga baryay inuu naxariisto marxuumka.
Wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Iiraan, isagoo xusay in uu ku hadlayo magaca dowladdiisa iyo qarankiisa.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalkiisu garab istaagi doono shacabka Iiraan xilligan adag, isla markaana uu sii wadi doono dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaadaha sii hurinaya xiisadda Bariga Dhexe, laguna laabto wadahadal iyo diblomaasiyad si loo xaqiijiyo amni waara oo ay helaan dhammaan dalalka gobolka.