U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo isugu Yeedhay Xildhibaannada Federaalka ee ku matala Jubaland

Sheeko:War

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si rasmi ah kulan wadatashi ah isugu yeeray xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.

Casuumaddan oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha 1-dii bishaan Maarso 2026, ayaa ujeeddadeedu tahay in xildhibaannada lagala tashado xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyadoo kulankuna uu ka dhacayo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubaland maalinta berri ah oo ku beegan 2-da Maarso.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku doonayo inuu ku xoojiyo wadatashiyada ku saabsan masiirka deegaanka iyo xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka, xilli dalku marayo marxalado siyaasadeed oo muhiim ah.