Wasaaradda Duulista Hawada Sare ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qaaday shirkadda diyaaradaha Daallo Airlines ruqsaddeeda duulista gudaha deeganada maamulka Puntland.
Qoraal kasoo baxay maamulka wasaaradda ayaa lagu sheegay in diyaaradda shirkadda Daallo ay laba jeer “khatar gelisay muwaadiniin iyo mas’uuliyiin reer Puntland,” isla markaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka.
Diyaaradda la xiray waxaa saarnaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kusii jeeday magaalada Garowe, taasoo xaaladda ka dhigtay mid si weyn looga hadlay.




From the comments