Ka dib markii maamulka Iiran uu ku dhawaaqay in la dilay Ayatollah Ali Khamenei, xiisadda Bariga Dhexe ayaa si weyn u korortay, taasoo keentay in Safaaradda Mareykanka ee Djibuti ay muwaadiniinteeda u dirto digniin degdeg ah.
Safaaradda ayaa sheegtay in gelitaanka Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ee Bariga Afrika, uu hadda xaddidan yahay kaliya shaqaalaha muhiimka ah ee hawlgalka, iyadoo laga cabsi qabo in falal ka dhashay xiisadda Bariga Dhexe ay khatar ku noqdaan saldhigga.
Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagu booriyay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, la socdaan wararka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ka feejignaadaan digniinaha SMS ee shirkadaha isgaarsiinta Djibouti, wataan aqoonsi sax ah, dib u eegaan qorshahooda amniga shaqsiyeed, u sheegaan qoyska iyo asxaabta xaaladdooda.




From the comments