Safaaradda Mareykanka ee Djibuti oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda kadib khatarta amni ee Bariga Dhexe
Ka dib markii maamulka Iiran uu ku dhawaaqay in la dilay Ayatollah Ali Khamenei, xiisadda Bariga Dhexe ayaa si weyn u korortay, taasoo keentay in Safaaradda Mareykanka ee Djibuti ay muwaadiniinteeda u dirto digniin degdeg ah.
Safaaradda ayaa sheegtay in gelitaanka Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ee Bariga Afrika, uu hadda xaddidan yahay kaliya shaqaalaha muhiimka ah ee hawlgalka, iyadoo laga cabsi qabo in falal ka dhashay xiisadda Bariga Dhexe ay khatar ku noqdaan saldhigga.
Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagu booriyay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, la socdaan wararka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, ka feejignaadaan digniinaha SMS ee shirkadaha isgaarsiinta Djibouti, wataan aqoonsi sax ah, dib u eegaan qorshahooda amniga shaqsiyeed, u sheegaan qoyska iyo asxaabta xaaladdooda.
Waxaa suurtogal ah in kooxda Xuutiyiinta ah ay qayb ka noqoto khataraha ka dhalan kara xiisadda Bariga Dhexe, gaar ahaan ka falcelinta dhimashada Ayatollah Ali Khamenei.
Xuutiyiinta, oo taageero ka helaan Iiraan, waxay horey u muujiyeen awoodooda weerarro caalami ah oo ay ku beegsanayaan danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa, waxaana saldhigga Camp Lemonnier uu noqon karaa bartilmaameed suurtogal ah.