U bood dhigaalka

Iiraan oo sheegtay in Trump uu gobolka   Bariga Dhexe geliyay dagaal aan loo baahnayn

Siyaasiga rugcadda ah ee Iiraan, Ali Larijani, ayaa si adag u cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoo ku eedeeyay inuu gobolka Bariga Dhexe geliyay dagaal aan loo baahnayn.

Larijaani wuxuu sheegay in go’aannada Trump ay halis geliyeen nolosha askarta Mareykanka isla markaana lagu khasaarinayo dhaqaale badan, si loo fuliyo waxa uu ku tilmaamay himilooyinka ballaarinta ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Larijaani ayaa ku dooday in xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Washington iyo Tehran ay ka dhalatay siyaasado uu sheegay inay ka maran tahay istaraatiijiyad diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xaaladda.

Sida uu hadalka u dhigay, Mareykanka wuxuu ku lug yeeshay khilaaf uu aaminsan yahay inuusan si toos ah dan qaran ugu jirin, taasoo keeni karta cawaaqib dhaqaale iyo mid amni oo culus.

Dhankiisa, maamulka Trump ayaa marar badan ku adkeystay in tallaabooyinkiisu yihiin kuwo lagu ilaalinayo amniga Mareykanka iyo xulafadiisa, isla markaana looga hortagayo khataro ka iman kara Iiraan iyo kooxaha ay taageerto.

Inkastoo aysan jirin jawaab rasmi ah oo si toos ah uga timid Aqalka Cad oo ku saabsan hadalka Larijaani, saraakiil Mareykan ah ayaa hore u sheegay in Iran ay door muuqda ku leedahay hurinta colaadaha gobolka.

Xiisaddan milatari ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal ka ballaaran duqeymaha haatan socda oo saameeya dalalka deriska ah, kuwaas oo haataanba dhibbane u ah duqeymaha Iiraan.