Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay suuragal tahay in dhimasho dheeraad ah oo askar Mareykan ah ay dhacdo inta lagu guda jiro howlgalka dagaal ee ka socda Iran, isaga oo xusay in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa Mareykanku ka gaarayo yoolalkiisa.
Trump ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal uu soo dhigay barta uu adeegsado ee Truth Social, isagoo carrabka ku adkeeyay in howlgalka militari uu wali si xooggan u socdo.
“Dagaalladu way socdaan waqtigan xaadirkan, si buuxda oo xoog leh, waayna sii socon doonaan ilaa dhammaan yoolalkayaga la gaaro, waxaan leenahay yoolal aad u adag,” ayuu yiri Trump, inkastoo uusan si faahfaahsan u shaacin waxa ay yihiin yoolalkaasi.




From the comments