U bood dhigaalka

Trump: “waxaa suurta-gal ah in askari badani naga dhimato inta aan xaqiijinayno hadafka aan ka leenahay Iiraan”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay suuragal tahay in dhimasho dheeraad ah oo askar Mareykan ah ay dhacdo inta lagu guda jiro howlgalka dagaal ee ka socda Iran, isaga oo xusay in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa Mareykanku ka gaarayo yoolalkiisa.

Trump ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal uu soo dhigay barta uu adeegsado ee Truth Social, isagoo carrabka ku adkeeyay in howlgalka militari uu wali si xooggan u socdo.

“Dagaalladu way socdaan waqtigan xaadirkan, si buuxda oo xoog leh, waayna sii socon doonaan ilaa dhammaan yoolalkayaga la gaaro, waxaan leenahay yoolal aad u adag,” ayuu yiri Trump, inkastoo uusan si faahfaahsan u shaacin waxa ay yihiin yoolalkaasi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay in Mareykanku u arko howlgalka mid muhiim u ah danihiisa istiraatiijiyadeed, balse hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo ay jirto walaac ku saabsan khasaaraha ka dhalan kara dagaalka iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida gobolka.

Ilaa iyo hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin muddada howlgalka la filayo inuu socdo ama tirada khasaaraha rasmiga ah ee soo gaartay ciidamada Mareykanka.

Arrintan ayaa la filayaa inay sii huriso doodaha ku saabsan ku lug lahaanshaha Mareykanka ee colaadaha Bariga Dhexe iyo saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalkaas.